October 16, 2017 admin 0 Comments

ARINTA CARUURTA SOMALIDA WAXAAN KALA HADALNAY BAARLAMAANKA NORWAY WAXAYNA RABTAA IN QOF WALBA MASUULIYADA QAYBTIISA QAATO.

Ayadoo ay Jiraan hadal hayn fara badan oo ku aadan caruurta somalida ee loo dhaqan celinayo soomaaliya ayadoo waaridiintood ay norway joogaan ayaan waxaan xiriir la samaynay ururka xuquuqul insaanka soomaaliyeed ee wadanka norway sida ay u arkaan arintaan Iyo xalka loo baahan yahay in la sameeyo si looga fogaado dhibaatooyin horleh ee arintaas ka yimaada.
Waa muhiim in la ilaaliyo xuquuqda caruurta mana ahan in somalida loo sawiro qaab qaldan ayuu yiri Mohamed abdulkadir oo ah gudoomiyaha ururka xuquuqul insaanka soomaaliyeed ee wadankaan norway.
Waxaan kala hadalnay xisbiyada talada haya arintaan waana ku jirnaa sidii horumar looga gaari lahaa Iyo natiijo muuqata.
Waxaan ka aqbalnay dawlada inaan qaadano masuuliyadeena hadaan soomaali nahay ayuu yiri Masuulka ururka SOMI.
Arintaan dhinacyo badan ayay leedahay dhinac kasta qaab loo xaliyo ayuu leeyahay.

leave a comment

Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial