January 15, 2018 admin 0 Comments

DIGNIIN Ururka Xuquuqul iinsaanka Somalida Norway oo Soo Saaray Qaylo Dhaan ku Aadan Masuuliyiin ay ku Edeeyeen Mijo Xaabin
…………..

KU: MADAXWAYNE FARMAAJO
OG: HASSAN ALI KHEYRE.
OG: Baarlamaanka Somalia
OG: SIYAASIYIINTA SOOMAALIYEED EE WADANKAAN NORWAY.
OG: BEESHA CAALAMKA

ANAGOO AH URURKA XUQUUQUL INSAANKA SOOMAALIYEED EE SALDHIGIISU YAHAY WADANKA NORWAY.

Waxaan shaki wayn ka muujinaynaa kulanka dhex maray wasiirka amniga Somalia Iyo wasiirada qaxootiga norway gabadha ku caanbaxday hadalada lidka ku ah soogalootiga oo ay ugu horeeyaan Somalida norway.

Waxaan khalad u aragnaa kulanka oo ka dhacay dal kaleeto oo aan Somalia ahayn.

Waxaan cadaymo u haynaa qoraalada ay soo galisay wasiirada qaxootiga norway oo ahaa inay u tagtay wadamada Afrika inay soo gasho heshiisyo lagu celinayo dad ay ka mid yihiin Somalida norway.

Waxaa dhawaan socday Celin qasab ah laakiin si kali kali ah loo tarxiilayay dhalinyaro soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kaleeto la baalmaray siyaasiyiinta soomaaliyeed Iyo ururada bulshada soomaaliyeed ee wadankaan norway talooyinkii ay soo jeediyeen iyadoo wax wada tashi ah aan lagala samayn.
Waxaa la baalmaray warbixinada Qaramada Midoobey Iyo hay’adaha ku shuqul leh hawshaan.

Sidaas darteed waxaan ka codsanaynaa madaxda dawladda in arintaas war cad ay ka bixiyaan.

SOMALI ORGANIZATION FOR HUMAN RIGHTS AND INTEGRATION IN NORWAY.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and suit
Image may contain: one or more people

leave a comment

Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial