February 16, 2018 admin 0 Comments

Kulan casho sharaf ah oo uu soo qabanqaabiyey ururka xuquuqul insaanka iyo isdhexgalka bulshada soomaaliyeed  ( SOMI)

Kulan taariikhi ah ayay isugu yimaadeen siyaasiyiinta soomaaliyeed ee ku kala jira xisbiyada kala duwan ee wadankaan Norway kulankaan oo ay Uga wada hadleen sida ugu wanaagsan  oo ay u wada shaqayn karaan una wajihi karaan caqabadaha la soo gudboonaaday bulshada soomaaliyeed

Kulan casho sharaf ah oo uu soo qabanqaabiyey ururka xuquuqul insaanka iyo isdhexgalka bulshada soomaaliyeed  ( SOMI) ayaa siyaasiyiintu Iyo xubnaha ka socday ururada bulshada ay isla qaadaa dhigeen hawlaha ugu waawayn ee norway ka socda waqtigaan.

Mawduuca dhibaatooyinka dhanka sharciyada Iyo caruurta somalida ayaa ugu xoog badnaa arimaha xooga looga wada hadlay.
Gudoomiyaha ururka xuquuqul insaanka iyo isdhexgalka bulshada soomaaliyeed Mohamed Abdulkadir ayaa Uga mahad celiyey dhamaan inta ka soo qayb gashay kulankaan.
Warmurtiyeed ayay ka soo saareen kaas oo uu akhriyey Mr Fawsi oo ahaa musharax baarlamaanka wadanka norway.
 

 

 

leave a comment

Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial