March 16, 2018 admin 0 Comments

URURKA SOMI OO DHALEECEEYEY IN LA TARXIILO WIILKII SOOMAALIYEED AYADOO WALI AAN SAFAARADA JAWAAB LAGA HELIN.

 

Sida uu noo xaqiijiyey madaxa ururka xuquuqul insaanka iyo isdhexgalka soomaaliyeed ee norway
Waxaa laga tarxiilay muwaadinkii soomaaliyeed ee ay arintiisa ku jirtay safaarada France ee wadanka.
Mohamud Geelle oo markii hore iska soo dhiibay wadanka norway ayaa diidmo uu ka helay kadib wuxuu go aansaday inuu aado dhanka faransiiska.
Dawlada France ayaa ka cafisay farihii norway sida uu mohamuud Geelle noo sheegay una ogolaatay inuu ku noolaado France.
Bishii November ayaa laga soo qabtay wadanka Germany asaga oo booqasho u yimid, waxayna Germany sheegeen inay heleen farihii hore ee norway sidaas darteedna ay norway u dirayaan.
Imaanshihiisa norway waxaa toos loo geeyey xabsiga trandum ee norway.
Safaarada France ee wadanka norway ayaa cadayn Iyo warbixin ka sugaysa wasaarada arimaha Gudaha ee Dalka France Iyo kiiskiisa ama filekiisa oo buuxa.
Hadii ay cadaato inuu sharci ku leeyahay Fransiiska waxay noqon doontaa tarxiilkaan mid sharciga caalamiga meel Uga dhacaya.

 

leave a comment

Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial